Friday, June 6, 2025
HomeAll NewsUkraine oo Weerar Cusub ku Qaaday Buundo Istaraatiiji ah oo Isku Xirta...

Ukraine oo Weerar Cusub ku Qaaday Buundo Istaraatiiji ah oo Isku Xirta Ruushka & Jaziirada Al-Qiram.

Hay’adda sirdoonka gudaha ee Yukrayn ayaa sheegatay, inay qarax xooggan ka fulisay buundada Keraj, taas oo isku xirta Ruushka iyo Jaziirada Al-Qiram, islamarkaana ah marin istiraatiiji ah oo ay adeegsadaan ciidamada Ruushka.

War kasoo baxay xukuumada Kiyeef ayaa lagu sheegay, in qaraxan uu ka dhacay meel ka hoosaysa buundada, iyada oo la isticmaalay inkabadan Kun Kiiloogaraam oo walxaha qarxa ah, Yukrayn ayaana sheegtay, in weerarkan uu ahaa mid qorsheysan oo muddo bilo ah la diyaarinayay.

Hay’adda sirdoonka gudaha ee Yukrayn ayaa caddeysay, in weerarkaasi uu ahaa kii saddexaad oo noociisa ah oo lagu qaado buundadaas tan iyo sanadkii 2022-ka, weerarkan ayaana sababay in la hakiyo dhamaan isu socodkii gaadiidka ee buundada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.