Sunday, April 20, 2025
HomeAll NewsUkraine oo Weerartay Ciidamada Ruushka ee ku Sugan Gobolka Korsek.

Ukraine oo Weerartay Ciidamada Ruushka ee ku Sugan Gobolka Korsek.

Ciidamada Ukraine ayaa maalintii shalay ku dhawaaqay iney weerar madaafiic ah ku qaadeen, taliska askarta Ruushka ee mandiqadda Kuursik oo ku taalla wadanka Ruushka, si aga hortagaan howlgallada ka dhanka ee ay waddo xukuumadda Mooskoow.

Waxay hadalkooda sii raaciyeen iney burburiyeen xaruntii hogaanka ciidamada Ruushka ee ay beegsadeen, iyagoo intaasi ku daray iney halkaasi isaga carareen ciidamo katirsan kuwa Kuuriyada Waqooyi oo ka barbar dagaallamaya Ruushka, islamarkaana mandiqadda ku sugnaa.

Sheegashada ciidamada Ukraine mahelin cid ka madax banaan oo xaqiijisay, waxayna xukuumadda Kyiv dhankeeda sheegtay, in Ruushku usoo weerar 102 diyaaradood oo Drones ah, kuwaasoo ay sheegeen iney soo rideen 59 kamid ah.

howlgallada qaar ee ay fuliyeen diyaaradahan, ayaa muuqaallo laga duubay waxaa lagu arkayaa iyagoo beegsanaya hadafkooda.

Dhanka kale ciidamada Ruushka ayaa askarta Ukraine ku eedeeyay, iney sanadkii 2023-kii 22 ruux oo ay 8 haweenka h ku jiraan ku xasuuqeen, tuulo ku taalla maqdiqadda Kuursik ee Ruushka.

Mooskoow ayaa sheegtay in meydadka dadkan laga helay qeybaha hoose ee gurigooda, iyagoo intaasi ku daray in leynta dadkan ay ka qeyb qaateen 5 askari oo Ukrainiyiin ah, kuwaasoo ay sheegeen in mid kamid ah ay xireen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.