Friday, April 18, 2025
HomeAll NewsUrdun oo ka Hortagtay Banaanbaxyo ka Dhacay Safaaradda Yahuudda ee Dalkeeda.

Urdun oo ka Hortagtay Banaanbaxyo ka Dhacay Safaaradda Yahuudda ee Dalkeeda.

Ciidamada ammaanka ee dalka Urdun ayaa xiray waddooyinka gala safaaradda Yahuudda ee magaalada Cammaan, si ay uga hortagaan isu imaatin ballaaran oo la qorsheeyay in lagu taageero marinka Qaza, laguna cambaareeyo xasuuqa iyo majaasirta uu maamulka Yahuuda ka geysanayo Marinka Qaza.

Dibad baxayaashaan oo kusoo dhawaaday Safaaradda ayaa waxaa gabood falla kula kacay Maamulka ay Yahuuddu ka dhistay dalkaas, taas oo keentay in dhaawacyo kala duwan ay soo gaaraan qaar kamida dadkii ka qeyb galayay dibad baxyadaasi.

Dhaqdhaqaaqa dhalinyarada ee dalkaas ayaa soo bandhigay sawirro muujinaya ciidamada ammaanka iyo shaqsiyaad ku labisan dharka shacabka oo garaacaya, dhanka kalana jiidaya tiro ka mid ah ka qaybgalayaasha, kuwaas oo xabsiga u taxaabay dhowr qof oo kamid ahaa dadkii dibad-baxa dhigayay.

Ciidamada dalkaas ayaa isku gadaamay meel hal kiilo mitir u jirta agagaarka safaarada Yahuudda, waxaana goobahaasi la dhigay ciidamo aad u xoogan oo ay ku jiraan haween booliis ah, si ay uga hortagaan dibadbaxayaasha in ay u soo dhawaadaan safaarada gumaystaha Yahuudda uu ku leeyahay magaalada Camaan ee caasimadda dalkaas.

Intaasi kadib dad waynahah ayaa mudahaarkooda u weeciyay waddooyinka ku dhow dhow safaaradda Yahuudda, iyagoo sii maray waddooyinka laamiga ah iyo kuwa muhiimka ah, waxaana si xooggan isaga caabiyay ciidamada ammaanka ee Urdun.

Si kastaba ha ahaatee arintan ayaa na dareensiinaysa  heerka uu gaarsiisan yahay daba dhilifnimada maamullada carabta ee ku harayraysan ehelkana reer Qaza ee uu xasuuqu u gaysanaya gumaystaha Yahuudda, kuwaas oo inay u gurmadaan iskaba daaye aan laga badbadaadin shartooda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.