Ururka haweenka ee taabacsan Dowladda Federaalka, ayaa sheegay iney tacaddi kala kulmeen ciidamada Dowladda Federaalka oo soo weeararay guriga HOoyooyinka.
Haweenkan ayaa sheegtay in loo awood sheegtay, ciidamada Dowladda Federaalkana ay gacanta ula tageen haweenka, oo qaarkood xabsiga la dhigay.
Waxay tilmaameen in arintan oo kale aaney marnaba fili jirin, maadaama ay qeyb ka yihiin Dowladda Federaalka.