Monday, April 21, 2025
HomeAll NewsUrurka NATO oo Qorsheynaya inuu Ciidamo u Diro Jaziiradda Greenland.

Ururka NATO oo Qorsheynaya inuu Ciidamo u Diro Jaziiradda Greenland.

Waxaa loo madlan yahay kulan aan toos ahayn oo ay yeelan doonaan dalalka ku bahoobay gaashaanbuurta NATO, kaasoo ay uga hadlayaan, ciidamo Millateri ah oo loo diro jaziiradda Greenland ee wadanka Denmark.

Wargeyska The Telegraph ee kasoo baxay wadanka Ingiriiska ayaa sheegay, in iyadoo wax lagu dhisanayo hanjabaaddii dhawaan kasoo jeertay madaxweynaha MareykankaDonald Trump oo ahaa inuu qabasan doono jaziiraddan, ay wadamada ku bahoobay ururkan yeelan doonaan wadahallo aan rasmi ahayn, kuwaasoo looga xaajoon doono in ciidamo loo diro Greenland.

Tallaabadan ayaa ku timid xusul duubka ay wadamada reer Yurub ugu jiraan iney ilaaliyaan jaziiraddan muhiimka u ah, dhanka kalena hodonka ku ah kheyraadka dabiiciga ah.

Dowladda Denmark ayaa dhankeeda iyadoo kaashaqeynsa dowladaha gaanshaanbuurta la ah waxay ku howlan tahay iney xoojiso joogitaankeeda gobolka, sida ay uga hor tagto khatarka ay ka filaneyso dhanka Mareykanka.

Greenland oo ku taalla Waqooyiga dalka Denmark ayaa ah jaziiradda ugu wayn Aduunka, waxayna dhacdaa meel muhiim ah oo ay soo wada eegayaan dowladaha awoodda isbiday ee Caalamka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.