Dhacdadii toogashada ahayd ee dhawaan lagu dilay kooxo dalxiisayaal ah oo ka dhacday deegaanka Bahlaqaam ee ka tirsan gobolka Kashmiir ee Hindiya ay maamusho ayaa mugdi gelisay xiriirka Hindiya iyo Bakistaan, kaasoo soo taxnaa tan iyo sanadkii 1947-kii.
Falkan oo dhacay 22-kii bishan Abriil ee sanadkan 2025-ka, ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 24 qof, halka ay ku dhaawacmeen tobanaan kale, iyadoo falkan ay mas’uuliyadiisa sheegteen kooxo mali ah ayay dawladda Hindiya waxa ay ku eedeysay ciidamada Bakistaan inay ka dambeeyeen howlgalkan.
Ciidamada Hindiya ayaa qaaday tallaabooyin adag oo ka dhan ah danaha Bakistaan ee gobolka, iyagoo xiray isgoysyada dhulka iyo hawada, dhanka kalana joojiyay fiisaha dal ku galka ee Hindiya, taas oo ay cadaadis ku saarayaan xukuumada Islama-Baad.
Dhacdooyinkan soo noqnoqday ee salka ku haya soohdinta u dhaxaysa labadan dal ayaa keenaysa in dib u eegis lagu sameeyo dheelitirka awoodeed ee dhinacyada is haya, iyadoo la eegayo khatarta sii kordheysa ee xurgufta u dhexeeysa labadan dal ee deriska ah, kuwaas oo ku hubaysan hubka Nukliyeerka ah ee sida daran wax u gumaada.
Arrintan ayaa la mid ah dhacdadii 1999-kii, markii xubno kasoo jeeda Kashmir ay gudaha u galeen qaybta ay Hindiya ka maamusho gobalkaas, taas oo keentay inay qabsadaan goobo kamida dhulkaas oo ugu dambayntii keentay in Hindiya ay soo abaabusho ciidamadeeda ayna dib u qabsato dhulkii laga qabsaday.
Hadaba warbixintan ayaan ku eegaynaa is barbar dhig ku saabsan awoodda labada dal, kuwaas oo wadaaga soohdin ka badan 3,300 oo kiiloomitir, In kasta oo dadka Hindiya ay shan jeer ka badan yihiin kuwa Bakistaan, haddana qaybta dalkaas ee askarta la qoro ee ciidankeeda hubaysan ayaa ka badan mida sanad walba loo diwaan galiyo Hindiya.
Dalka Hindiya ayaa ciidamadiisa ku qarash gareeya miisaanida 10 jeer ka badan mida Bakistaan ay ku bixiso ciidamadeeda, dhanka kale Hindiya ayaa leh dhul in ka badan afar jeer ka weyn baaxadda Bakistaan, waxayna ku faantaa inay lee dahay xeebo waawayn oo bixiya ganacsiyo kala duwan iyo marinada sahayda ee dhulka iyo badda. Waxaa kale oo ay ku leedahay kheyraad dabiici ah oo lagasoo saaro dalkeeda, inkastoo khayraadkani uusan si buuxda u daboolin baahida dadka, si lamid ah Bakistaan.