Waxaa markale sii xoogeysanaya khilaafaadka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladaha Hindiya iyo Pakistan ee dariska ah, waxaana ay xiisaddu sii xoogeysatay kadib markii uu weerar culus ka dhacay gobalka Kishmiir qeybta ay maamusho Hindiya, kaas oo ay ku dhinteen 24 ruux oo dalxiisayaal iyo Hindi isugu jira, halka ay ku dhaawacmeen tobaneeyo kale.
Warbaahinta ayaa qoreysa warbixinno ay kaga hadleyso khilaafaadka sii xoogeysanaya ee labadaan dowladood, iyo suurataglnimada dagaal xooggan oo ka dhexqarxa, waxaana arrimaha ay isku heystaan kamid ah Wabiga As-Sindi oo ah mid istaraatiiji ah oo ay isku khilaafsan yihiin Hindiya iyo Pakistan.