Wakiilo ka kala socda Iiraan iyo Mareykanka ayaa maanta lagu wadaa inay ku kulmaan magaalada Rooma ee caasimadda Talyaaniga, halkaas oo uu ka qabsoomaya wareegii labaad ee wada-xaajoodka barnaamijka Nukliyeerka ee Tehraan. Sida ay tabiyeen Wakaaladaha wararka ee Iiraan.
Wafdiga Mareykanka ayaa waxaa hogaaminaya ergeyga gaarka ah ee Taraam u qaabilsan Bariga Dhexe ninka lagu magacaabo Istiif Witkoof, halka wafdiga Iiraan uu hogaaminayo wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas Cabbaas Aragji. Iyadoo Wasiirka arrimaha dibadda ee Saldanada Cumaan la filayo inuu dib u bilaabo dawrkiisii dhexdhexaadinta.
Dhankiisa, madaxweynaha Mareykanka Donald Taraam ayaa Tehraan ugu hanjabay haddii ay fashilmaan wadahadallada inuu u isticmaali doona awood millatari, isagoo ku nuux-nuuxsaday, in hadafkiisa koowaad uu yahay sidii uu uga hortagi lahaa in Iiraan ay sameysato hubka Nukliyeerka.
Halka Ergaygiisa u qaabilsan Bariga Dhexena Istiif Witkoof uu ku dhawaaqay, in aan wax heshiis ah la gaari doonin illaa Tehran ay si buuxda u joojiso barnaamijkeeda tayeynta Yuraaniyaamka iyo horumarinta hubka wax gumaade ee Nukliyeerka, kaas oo ah mowqif adag oo ka duwan hadaladisii hore oo ahaa, in bacriminta Nukliyeerka madinaga ah ee xadidan lehna kormeer adag uu yahay mid suuragal ah inay samaysato Tehraan.
Taas badalkeeda wasiirka arimaha dibadda ee Iiraan ayaa muujiyay, sida uu dalkiisa albaabada ugu balaqay inuu tanaasul ka sameeyo barnaamijka Nukliyeerka iyo heerka tayeynta Yuraaniyaamka, isagoo carrabka ku dhuftay, in Iiraan aysan dooneynin inay sameysato bam Nukliyeer ah, taas beddelkeeda ay dalbanayso in laga qaado cunaqabataynta Maraykanka.
Si kastaba ha ahaatee hadallada labada mas’uul ee Ameerikaanka ah iyo kan Iiraan ayaa daaha ka qaadaya, in wadahadallada ay yihiin kuwa gabi ahaanba u adeegayo masaaliixda iyo danaha Waashatoon, halka Tehraana ay tahay midda lagu haysto maradeed ee hadana ka tanaasulayso.