Wareegii labaad ee wada-xaajoodyada tooska ah ee lagu doonayo in lagu gaaro xabad joojin u dhaxeysa dowladaha Ruushka iyo Yukrayn, oo maalintii shalay lagu qabtay magaalada Istanbuul ayaa soo gaba-gaboobay, iyadoo aan natiijo wax ku ool ah laga gaarin ama heshiis xabad joojin ah. Marka laga soo taga in labada dhinac ay ku heshiyeen, inay iswaydaarsadaan maxaabiis dagaal si lamid wareeggii kan ka horeeyay ee ka dhacay isla magaalada Istanbuul.
Wasiirka difaaca ee Yukrayn Rustum Cimroof ayaa ku dhawaaqay, in Kiyeef iyo Mosko ay ku heshiiyeen intii uu socday wada-xaajoodka, in la is dhaafsado dhammaan maxaabiista dhaawaca daran qabo ee lagu qabtay dagaallada ama kuwa da’doodu ka yar tahay 25 sano, iyadoo intaasi lagu darayo, in la iswaydaarsado maydadka 6 Kun oo askari oo laga dilay dhinac kasta.
Sidoo kale, wasiir ku xigeenka koowaad ee arrimaha dibadda ee Yukrayn ayaa shir jaraa’id oo uu saxaafadda u qabtay ku sheegay, in Ruushka uu diiday xabad joojin shuruud la’aan ah oo ay soo jeedisay Kiyeef intii uu socday wadahadalkii tooska ahaa ee ku dhexmaray magaalada Istanbuul.
Taas badalkeeda, madaxa wada-xaajoodka Ruushka, Faladamiir Midiiniski, ayaa sheegay, in dalkiisu uu u soo jeediyay Yukrayn xabbad-joojin dhinac oo soconaysa laba ama saddex maalmood kana hirgasho qaybo kamida jiidaha hore ee dagaalka ee la isku horfadhiya.
Madaxweynaha Yukrayn Faladamiir Zalaniski ayaa dhankiisi aad uga carooday natiijada kasoo baxday wada-xaajoodyadan shalay ka dhacay Magaalada Istanbuul, waxa uuna Zalaniski ugu baaqay dhiggiisa Mareykanka, Doonal Taraam, inuu cunaqabateyn ku soo rogo Ruushka si uu ugu qasbo inuu joojiyo dagaalka, isagoo Zalaniski ku eedeeyay Mosko inay raadineyso xabad-joojin gaaban oo keliya, balse aysan u sacyinaynin xabbad-joojin buuxda.
Waxaa xusid mudan, in wada-xaajoodkan uu yahay kii labaad oo si toos ah dowladaha Ruushka iyo Yukrayn ku dhexmara waddanka Turkiga tan iyo markii uu ka dhex qarxay dagaalka sanadkii 2022-ka. Balse labada wareegba lagama gaarin hadafkii ugu waynaa ee ahaa, in xabad-joojin buuxda laga gaaro dirirta u dhexeyso dowladaha Ruushka iyo Yukrayn.