Monday, April 21, 2025
HomeAll NewsWada Xaajoodyo La Xiriira Macaadinta oo Dhexmaraya Ukraine iyo Maraykanka.

Wada Xaajoodyo La Xiriira Macaadinta oo Dhexmaraya Ukraine iyo Maraykanka.

Wadahadallo ku saaban macaadinta qaaliga ah ee ku jirta dalka Ukraine ayaa magaalada Kyiv uga socda dowladaha Ukraine iyo Mareykanka, taasoo Washington ay Kyiv kula gorgortameyso si loosoo afjaro dagaalka kala dhaxeeya Ruushka.

Madaxweynaha Ukraine ayaa ku tilmaamay wadahadalladan kuwo soo celiyay rejada wadankiisa, xilli kol hore uu diiday dalkabkii Mareykanka ee ku saabsanaa macaadintan taasoo inta Washington dooneyso ay nisbo ahaan tahay 50% islamarkaana udhiganta lacag ahaan 500 Bilyan oo Doollar.

Trump ayaa kol hore Zelenskyy ku tilmaamay in kaligii taliye ah, halka Kyiv ay xilligaasi u aragtay dalabka madaxdweynaha Mareykanka mid gumeysi dhaqaale ah.

isku soo wada duuboo wada xaajoodka ku saabsan macaadintan ayaa haatan kasoconaya caasimadda Ukraine, waxaana dowladda Mareykanku halkaasi ujooga ergaygeeda gaar ah ee arrimaha Ukraine iyo Ruushka oo la kulmay Zelenskyy.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.