Waxaa dhawaan Soomaaliya ka baxay wafdi ay ay dirtay Dowladda Fedaraalka oo ka socday wasaaradda lagu magacaabo Shaqada iyo Arrimaha bulshada, kaasoo usocday wadanka Switzerland kana qeyb gelayay shir ka dhacayay halkaasi.
Wafdigan oo kahor inta uusan bixin lagu eedeynayay musuq maasuq iyo tahriibinta xubno katirsan Dowladda Fedaraalka, ayaa Soomaaliya ka baxay isagoo ka kooban 23 xubnood uuna hogaaminayo wasiirka shaqada ee xukuumadda Fedaraalka, balse maxaa dhacay.?
Markii ay gaareen wadanka Switzerland ee qaaradda Yurub ayaa waxaa baxsaday inta badan xubnihii ku baxay magaca gudiga, kuwaasoo markii horaba la sheegayay in hab tahriib ahaan ah wafdiga loogu dhex qarinayo, waxaana shirkii ka dhacayay magaalada Geneva ee wadankaas xaadiray oo kaliya kana soo muuqday sawirada laga soo qaaday 10 xubnood, halka ay 13 xubnood oo kale baxsadeen kuwaasoo qaarkood ay galeen wadmao Yurub katirsan.