Al-Shabaab waxa ay kulaaleysaa Muqdisho, xilli Dowladdaha Reer-galbeedka ay ku baaqayaan in loo midoobo dagaalkeeda, waa ciwaanka warbixin uu qoray wargeyska Horn Observer oo diiradda saara arrimaha geeska Afrika iyo caalamka, taas oo uu kaga hadlayo horumarrada xagga dagaalka ah ee ay sameynayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, iyo weerarada kusii xoogeysanaya magaalada Muqdisho.
Qeybaha hore ee warbixintiisa ayuu wargeysku ku muujiyay, in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay guulo waaweyn ka gaartay dagaalka ay kula jirto Shisheeyaha kusoo duulay dalka iyo Dowladda Fedaraalka, islamarkaana gacanta ku dhigtay goobo istaraatiiji ah oo halbowle u ah xukuumadda uu hogaaamiyo Xasan Sheekh.
“Xarakada Al-Shabaab waxa ay maalmihii lasoo dhaafay xaqiijisay guulo la tabaan karo, iyadoo la wareegtay marinnada muhiimka ah ee isku xira Muqdisho iyo Afgooye, iyo Muqdisho iyo Balcad ee istaraatiijiga ah, sidoo kalana maamuleysa dhaqdhaaqyada iyo isku socodka ka jira duleedka magaalada caasimadda ah” ayaa lagu yiri warbixinta uu daabacay wargeyska Horn Observer oo si gaar ah diiradda usaara arrimaha geeska Afrika .
Iyadoo ay tani jirto, ayuu wargeysku tilmaamay in Xasan Sheekh oo ah Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka uu todobaad kahor ku baaqay, shir ay isugu imaaanayaan madaxda Dowladdiisa, kuwa maamul gobaleedyada iyo hogaaamiyayaasha mucaaraadka, si ay uga arrintasadaan dagaalka ka dhanka ah Xarakada Mujaaahidiinta Al-Shabaab, taasi ayuuna wargeyskaan ku tilmaamay iney noqotay mid lagu hungoobay.
“Laguma guuleysan in la qabto shirkaas, waxaana wali jira khilaaafaad siyaasadeed oo xooggan, xilli ay warbixinnadu sheegayaan in ugu yaraan 2 maaamul gobaaleed oo kala ah Jubbaland iyo Puntland ay diidan yihiin la shaqeynta Dolwadda Fedaraalka, taas oo sii kala fogeyn karta labada dhinac” ayuu leeyahay wargeyska Horn Observer oo ka faallooda arrimaha geeska Afrika iyo caalamka.
Waxa loogu yeero beesha caalamka ayaa soo dhaweysay shirkii uu ku baaqay Xasan Sheekh ee natiijo la’aanta noqday, iyadoo geesta muujisay walaaca ay ka qabto isfidinta ay wado Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, bayaan wadajir ah oo ay soo saareen in ka badan 20 dowladood oo ay ugu horreeyaan kuwa reer-galbeedka ayaana lagu muujiyay, walaaca ay ka qabaan dagaallada ka socda goballada Shabeellooyinka ee Koonfruta Soomaaliya, sida ku xusan warbixintaan cusub ee la baahiyay.
“Xilli Al-Shabaaab ay kulaalayaan magaalada Muqdisho, ayaa waxaa jirta cabsi xooggan oo laga qabo xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Soomaaaliyaa, iyadoo ay meesha ka maqan tahay hogaamin wax isu xirta, arrimahaan ayaana Xarakada Al-Shabaab kusii dhiirro-galinaya iney qaadato tallaaabooyin degdeg ah” ayaa lagu soo gabagabeeyay warbixinta uu daamacay wargeyska Horn Observer oo diiradda saara arrimaha geeska Afrika, kaas oo marar badan warbixinno ka qoray xaaladda siyaasadeed ee ka jirta Soomaaliya.
Warbixintaan ayaa kusoo aadeysa iyadoo mudooyinkii lasoo dhaafay ay isa soo tarayeen warbaahinnada ka hadlaya isbadallada siyaaasadeed iyo dagaallada ay wado Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana marka la isku soo xooriyo taqaariirtooda ay kawada siman yihiin, suurataglnimada in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay waqti aan dheereen la wareegto magaalada Muqdisho, mugdi iyo hubanti la’aanna uu ku jiro masiirka Dowladda Fedaraalka.
Audio Player