Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsWarbixin: Maxay Tahay Siyaasadda Yahuudda ee Mandiqadda Bariga Afrika? .

Warbixin: Maxay Tahay Siyaasadda Yahuudda ee Mandiqadda Bariga Afrika? [Dhagayso].

Ben-Gurion oo ahaa Raisul wasaarihii ugu horeeyay ee Yahuudda ayaa dajiyay Istaraatiijiyadd uu ku sheegay, inay qayb ka qaadanayso ilaalinta amniga Yahuudda, isagoo diirada saaraya gobolka Bariga Afrika, oo uu ku doonayo inay ku yeeshaan Yahuuddu kaalin muhiim ah oo taabanaysa dhan siyaasadeed iyo dhan dhaqaaleba.

Bariga Afrika ayaa ah meel mandiqad ahaan dhacda goob muhiimad juquraafiyadeed leh, oo saamaysa siyaasadda adduunka, maadaama ay ku taallo marin ay ku loolamayaan quwadaha caalamka iyo kuwa gobolka. Muhiimada marinkan ma aha oo kaliya badnida soo saarista saliidda dabiiciga ah, balse waxay kaloo dhacdaa goob istaraatiiji ah oo isku xirta bariga iyo galbeedka caalamka.

Yahuuddu waxay si weyn xoogga u saaraysaa Afrika, kaliya maaha inay hesho faa’iidooyin dhaqaale, inkasta oo ay muhiim u tahay hadana sidoo kale qaarada Afrika ayaa ku taalla marin muhiim u ah isku socodka aduunka juquraafi ahaan, waxayna Yahuuddu doonaysaa inay galaangal ku yeelato Masar, Geeska Afrika, webiga Niilka, iyo xeebaha bari ee Badda Cas oo ay ku jirto Soomaaliya.

Cilmi-baarayaasha Saleh Mahrous iyo Ahmed bin Zayed, ayaa buuga ay wadajirka u qoreen ee lagu magacaabo “Xeeladaha Siyaasadda Yahuudda ee Bariga Afrika ee Qarnigii Labaatanaad” ku xusay siyaasadda Yahuudda ee ku wajahan gobolka Bariga Afrika, iyagoo isku dayaya inay baaraan duruufaha galitaanka Yahuudda ee mandiqadan, iyo muujinta hadafyada iyo xiriirka ay Yahuuddu la samaysatay jasiiradda Zanzibar 1964-tii, si ay u dhisto Jamhuuriyad isku xirta dalalka Tanzaaniya, Kenya, Uganda, Itoobiya iyo Koonfurta Suudaan.

Cilmi-baaristan ayaa cadaynaysa istaraatijiyadda gelitaanka Yahuudda ee gobolka Bariga Afrika, oo ah mid ka mid ah gobollada ugu badan ee colaaduhu ka jiraan aduunka, kuwaas oo la ildaran khilaaf daakhili ah, ayagoo ku yaalla goob istaraatiiji ah oo ka soo horjeeda marinka badda cas iyo Gacanka cadmeed, oo ay weheliso marinka ganacsiga ee webiga Niilka, taas oo adduunka siinaysa muhiimad gaar ah oo ay isha ku hayaan mandiqadan dhinaca ku haysa Jasiiradda Carabta ee saliidda qaniga ku ah.

Halkan kala deg Warbixinta

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.