Saturday, April 26, 2025
HomeAll NewsWasiir Hore oo Dowladda Fedaraalka ku Sifeeyay Mooryaan Kuna Baaqay in Lagu...

Wasiir Hore oo Dowladda Fedaraalka ku Sifeeyay Mooryaan Kuna Baaqay in Lagu Kacdoomo.

Waxaa magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda kusoo gabgaboobay shir ay yeesheen madaxda dowladaha ay ciidamadoodu duullaanka ku joogaan Soomaaliya ee ku mideysan duullaanka loogu yeero AUSSOM, kuwaas oo ka arrinsanayay burburka ay wajahayaan iyo halista kaga imaaneysa Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Shirka ayaa kusoo dhamaaday fashil iyo guuldarro, waxaana madaxda ka qeybgashay ay ka cawdeen dhaqaale la’aanta uu wajahayo duullaanka cusub, iyagoo sheegay in haddii aan sida ugu dhaqsiyaha badan dhaqaale loogu helin ay keeni karto burburkooda.

Cabdiraxmaan Yusuf Xuseen Ceynte oo ah Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Federaalka, kana qeyb galay shirkii Kampala ayaa rajo beel ka muujiyay xaaladda Dowladda Fedaraalka, isagoona ku baaqay in lagu kacdoomo maamulka hadda ka jira Muqdisho.

Qoraal uu kusoo daabacay baraha uu Inernetka ku leeyahay ayuu C/raxmaaan Ceyte kaga hadlay fashilka madaxdii soo martay Dowladda Fedaraalka, kuwaas oo uu sheegay in mid waliba marka xilka loo dhiibayo uu ku goodiyo inuu ka adkaan doono Xarakada Mujaaahidiinta Al-Shabaaab, balse markuu dhici rabo uu ku calaacalo in mudada loo kordhiyo isagoo aan wax natiijo ah gaarin.

Waxa uu tibaaxay in madadxii soo martay Dowladda Fedaraalka ay hogaamintoodu gundhig u aheyd boobka hantida dadka, eexda, ku tagri-falka awooda dowladda, dawarsiga dowladaha Shisheeye, iyo maangaaabnimo.

Qoraalkiisa ayuu ku xusay in shirka Kampala uu kusoo aaday 18 sano kadib markii ay ciidamada Shisheeye duullaanka kusoo qaadeen Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay in qorshuhu ahaa iney 3 sano oo kaliya joogaan Soomaaliya, balse ay maanta muuqato in uu wakhtigu kusii daba dheeraaday iyagoo aan xaqiijin ahdaaftii duullaankooda.

Madaxda Dowladda Fedaraalka ee kulansaday sifaadkii uu horay usoo sheegay ayuu wasiirkaan hore tilmaamay inaan looga fadhin dhisidda waxa uu ugu yeeray ciidan qaran oo Shisheeyaha kala wareega goobaha ay baneeyaan, sidoo kalana rajo looga qabin dhisidda hey’ado dowladeed oo waxtar leh sida uu hadalka u dhigay.

Qeybaha dambe ee qoraalkiisa ayuu ku sheegay in la joogo waqtigii la iska dulqaadi lahaa madaxda sifooyinka xun leh ee ku habsaday bulshada, haddii aan sidaas la yeelinna ay xaladdu sii dari doonto.

Tani ayaa muujineysa walaaca xaddhaafka ah ee laga qabo masiirka Dowladda Fedaraalka, waxaana madaxda duullaanka cusub ee AUSSOM ay Reer-galbeedka ka dalbadeen in lagu maalgaliyo lacag dhan 190 Milyan oo Doollar, balse taas ayay dadka qaar ku tilmaameen mid aan socon karin, xilli Mareykanka uu markale ku celiyay inuu joojiyay taageeradii uu siin jiray ciidamada Shisheeye ee duullaanka ku jooga Soomaaliya.

Halkaan ka Degso Warbixinta

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.