Friday, July 11, 2025
HomeAll NewsWasiir Hore oo Sheegay in Al-Shabaab ay la Wareegi Doonaan Guud ahaan...

Wasiir Hore oo Sheegay in Al-Shabaab ay la Wareegi Doonaan Guud ahaan Soomaaliya.

Cabdullaahi Gooddax Barre oo ah Wasiirkii hore ee waxbarashada Dowladda Fedaraalka ayaa ka hadlay jabkii ciidankooda ku gaaray gobolka Hiiraan, wuxuuna dowladda uu katirsan yahay ku eedeeyay gaabis dhankeeda ah oo ay ku sameysay askarta.

Maalin waliba ayuu sheegay iney askari ka dhintaan, firxadka ciidankooda ee ka socda furimaha dagaalka ayuuna xusay iney tahay nasiib darro sida uu hadalkiisa udhigay.

Dagaalka hadda socda iyo waxa uu ku dambeynkaro ayuu soo hadal qaaday, wuxuuna tilmaamay iney suuragal tahay haddii sida ay wax yihiin kusii socdaan in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ugu imaandoonto guryaha ay degan yihiin iyo goobaha ay ka taliyaan ee ku yaalla guud ahaan wadanka.

Wuxuu sheegay saadaalinta la hadal hayo in ay tahay awoodda ciidan ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo sii xoogeysta, isagoo dhanka kale rejo beel ka muujiyay dagaalka ay haatan ku jiraan.

Marba marka ka dambeysa waxaa aad isku soo taraya hadallada isdaba joogga ah ee ay jeedinayaan mas’uuliyiinta kala duwan ee Dowladda Fedaraalka, kuwaasoo dhamaatood astaan unoqday iney diraan farrimo niyad jab ah oo ku wajahan ciidankooda ku sugan jiidaha hore.

Halkaan ka Degso Warka Wasiirka Hore

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.