Wasiirkii hore ee arimaha gudaha Nidaamkii dhacay ee Nuseyriyada Suuirya oo lagu magacaabo Muxamad Ash-Shicaar, ayaa isku dhiibay maamulka cusub ee Suuriya.
Muxamad Ash-Shicaar ayaa maalintii shalay oo Talaado ahayd isasoo dhiibay, iyadoona isasoo dhiibitaankiisu timid xilli wadanka ay ka socdaan howlgallo lagu baadigoobayo, saraakiishii iyo xubnihii dhiigyacabyada ahaa ee Nidaamka Nuseyriyada.
Muxamad Ash-Shicaar ayaa ahaa wasiirkii arimaha gudaha ee Nuseyriyada intii u dhexeysay sanadihii 2011-ka illaa 2018-ka, waxaana uu masuul ka ahaa xadgudubyo badan oo loo geystay muslimiinta Shaam.
Intii uu hayay xilkan wuxuu la kulmay weeraro iyo isku dayo lagu doonayay in lagu khaarijiyo, mid kamid ah isku dayadaas oo ay masuul ka ahaayeen kacdoon wadayaashii Suuriya ee la wareegay talada dalka, ayaana waxaa ku gaaray dhaawac.
Muxamad Ash-Shicaar ayaa lagu xusuustaa awaamirtii uu kubixiyay in la toogto, dhamaan dadka ka qeybgalaya banbaanbaxyadii ka billowday Suuriya sanadkii 2011-ka, isagoo sidoo kale wasaaradiisu ay hoos imaanayeen badi xabsiyada Suuriya ee lagu tacdiibi jiray muslimiinta.
Waxay isasoo dhiibitaankiisu imaanayaa iyadoo gobollada kala duwan ee Suuriya ay ka socdaan, howlgallo ballaaran oo lagu raadinayo xubnaha iyo saraakiishii nidaamka Nuseyriyada, kuwooda sida tooska ah masuul uga ahaa dhibaatooyin loo geystay muslimiinta Suuriya.