Monday, May 5, 2025
HomeAll NewsWasiir Sheegay Ineysan Canshuur ka Qaadin Khudaarta Laga Keeno Dibadda.

Wasiir Sheegay Ineysan Canshuur ka Qaadin Khudaarta Laga Keeno Dibadda.

Maxamad Cabdi Xayir Maareeye oo ah Wasiirka beeraha ee Dowladda Fedaraalka ayaa sheegay, in khudaarta laga keeno wadamada shisheeye aysan wax lacag ah ka qaadin islamarkaana kasoo degto garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyadoo lasii marsiiyo xerada Xalane oo ah taliska ugu wayn shisheeyaha ee Xamar sidaasina suuqa ku gasho.

Wuxuu kaloo intaasi ku daray, in diyaaradaha keena khudaartan oo ah tan wadankeyna ka baxda aysan ogoleyn iney Baydhabo iyo magaalooyinka lamid ah kasoo gaadaan, balse ka keenayaan wadamada shisheeye.

Hadalka qiraalka ah ayaa kusoo aadaya xilli khudaartii laga soo saaray dalka, lacago badan oo baad ah ay kusoo rogtay Dowladda Fedaraalka, islamarkaana ay ku xayiran tahay wadooyinka caasimadda, lana sugayo Ey la sheegay inuu baarayo oo ay shisheeyaha Xalane jooga ku amreen Dowladda Fedaraalka iney ku cuuryaamiso beeraleyda Soomaaliyeed.

Gadiidka Khudaarta ayaa lagu dhibaa jidadka gala Xamar, waxaana dhacda iney noqoto wax aan la isticmaalikaro haddii suuqyada la geeyo oo ay qiimaha beesho.

Halkaan ka Degso Warka Maareeye

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.