Friday, July 11, 2025
HomeAll NewsWasiirka Gaashaandhiga Uganda oo ku Baaqay in Ciidankooda Laga Saaro Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhiga Uganda oo ku Baaqay in Ciidankooda Laga Saaro Soomaaliya.[WARBIXIN]

Iyadoo waayadii lasoo dhaafay ay kordheen weerarada ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku beegsaneyso Shisheeyaha caddaanka iyo madowgaba leh ee duullaanka ku joogo Soomaaaliya, ayaa wax ay Dowladda Uganda sheegtay iney ciidankeeda kala bixi doonto dalka, haddii uu isbedel ku yimaado siyaasadda Maraykanka ee duullaanka Soomaaliya.

Wasiirka Gaashandhiga ee Dowladda Uganda Jeneraal Muhoozi Kainerugaba ayaa ku baaqay, in gabi ahaanba ciidankooda laga saaro dalka Soomaaaliya, lana soo afjaro duullaanka Shisheeye ee ay xukuumadda Kampala ka wado dalkaan.

War qoraal ah oo uu kusoo daabacay baraha uu internetka ku leeyahay ayuu wasiirku ka codsaday aabihiis sidoo kalana ah baadariga maamulka dalkaas ee Yoweri Museveni, in uu utix-galiyo codsigiisa, islamarkaana uu ciidanka Uganda kasoo saaro Soomaaliya kuwaas oo ku dhawaad 20 sano duullaan ku joogo dalkaan dhaca bariga Afrika.

Warka kasoo yeeray Wasiirka Gaashandhiga ee Dowladda Uganda islamarkaana si aad ah ugu baahay warbaahinta ayaa waxa uu sidoo kale Jeneraal Muhoozi ku sheegay, in wadamada Reer-galbeedka ee uu Mareykanku ugu horreeyo iyo Yahuudda oo uu ugu yeeray  walaalahooda dhabta ah ay ka gaabiyeen dagaalka ka dhanka ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Warbaahinta maxalliga ah ee dalka Uganda oo soo xiganeysa falanqeeyayaal xagga amniga ah ayaa waxa ay shaacisay, in qeylo-dhaanta kasoo yeertay Wasiirka Gaashandhiga ee Uganda ka tarjumeyso, quusta ka dhalatay fashilka uu kusoo dhamaaday duullaanka mudada dheer socda ee ay Shisheeyuhu kaga jiraan Soomaaliya.

Waxa ay geesta kale xuseen, in walaacaan uu mujiyay wasiirka ay suuragal tahay inuu salka ku hayo, niyad jabka iyo raja xumada ka dhalatay xaaladda hubanti la’aanta ah ee uu wajahayo duullaanka ciidamada Shisheeye ee loogu yeero AUSSOM, iyo xaaladda taag darida ah ee ay wajahayaan askarta Dowladda Fedaraalka, kuwaas oo mudooyinkii lasoo dhaafay si ba’an loogu xasuuqay Koonfurta Soomaaliya, lagana qabsaday magaalooyin muhiim ah.

Dowladda Uganda ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay waxa ay marti galisay khasaare culus oo naf iyo maalba leh, kaas oo kasoo gaaray duullaanka ay kaga jirto Soomaaliya, waxaana howgallo dhacay mudooyinkii u dambeeyay looga dilay tobannaan askari, iyadoo sidoo kale ay ka burbureen laba diyaaradood oo nuuca Helicopterka loo yaqaanno, kuwaas oo midood ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab kusoo rideen deegaanka Xawaadlwey ee gobalka Sh-dhexe.

Halkaan ka Degso Warka Dowladda Uganda

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.