Monday, June 16, 2025
HomeAll NewsWaxa Loogu Yeero Beesha Caalamka oo Axmed Madoobe ku Qasbeysa inuu la...

Waxa Loogu Yeero Beesha Caalamka oo Axmed Madoobe ku Qasbeysa inuu la Hadlo Xasan Sheekh.

Waxa loogu yeero Beesha Caalamka ayaa hogaamiyaha maamulka la baxay Jubbaland ku qasbeysa inuu wadahal la galo Dowladda Fedaraalka.

Madaxweynaha maamulka la baxay Jubbaland Axmed Madoobe ayaa waxa uu kulan khadla taleefanka ah la yeeshay, masuuliyiin katirsan waxa loogu yeero Beesha Caalamka, kuwaas oo uu kala hadlay arrimo la xiriira khilaafka kala dhaxeeya Dowladda Fedaraalka.

War qoraal ah oo kasoo baxay maamulka la baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay, in waxa loogu yeero Beesha Caalamka ay Axmed Madoobe ku wargaliyeen inuu si degdeg ah wadahal ula furo Dowladda Fedaraalka.

Shisheeyaha ayaa waxa ay si aad ah uga deyrinayaan xaaladda siyaasadeed ee ka dhex jirta Dowladda Fedaraalka iyo maamul gobaleedyada qaarkood, sida maamullada la baxay Jubbaland iyo Puntland.

Halkaan ka Degso Warka Axmed Madoobe

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.