Weerar dhabbgal ah oo lala beegsaday ciidamo Dowladda Fedaraalka ayaa galabta ka dhacay duleedka degaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan.
Kamiinkan ayaa dhaliyay khasaare dhimasho waxaana lagu dilay 3 askari oo katirsan ciidanka Dowladda Fedaraalka, halka lagu qabtay askari nool.
Sido kale isla weerarkan dhabbagalka ah waxaa lagu furtay qori iyo booshkiisa, tan ayaana ka dhigan in mar qura khasaare nafeed iyo mid hantiyeedba uu gaaray Dowladda Fedaraalka.
Maalmihii udambeeyay waxaa sii kordhay weerarada ka dhanka ah Dowladda Fedaraalka ee lagu dhiig bixinayo, xilli ay wajaheyso fashil siyaasadeed iyo mid amni, furimihii dagaalladana kusoo fashilantay.