Friday, July 4, 2025
HomeAll NewsWeerar iyo Qarax Khasaare Dhaliyay oo Ciidanka Kenya Lagula Beegsaday Gobalka Mandheera.

Weerar iyo Qarax Khasaare Dhaliyay oo Ciidanka Kenya Lagula Beegsaday Gobalka Mandheera.

Wararka ka ka imaanaya gobalka Mandheera ee ku hoos jira gumeysiga Dowladda Kenya ayaa ku waramaya, in weeraro horleh oo khasaare dhaliyay ay ciidamada Xarakada Mujaaidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen gobalkaas.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaaa weerar culus ku qaaday, xero ay askarta dowladda Kenya ku leeyihiin deegaanka Hareeri Suuki ee hoostagta degmada Ceel-qaalow ee gobalka Mandheera ee ku hoos jira gumeysiga Dowladda Kenya.

Geesta kale weerar qarax ah ayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab la beegsadeen, kolonyo katirsan ciidanka Kenya oo ku socdaalayay inta u dhaxeysa degmada Ceel-qaalow iyo deegaanka Ceel-goolij oo kawada tirsan gobalka Mandheera ee dhulka NFD.

Gaari Mutabiish ah ayuu qaraxu haleelay kaas oo gabi ahaanba basbeelay, iyadoo ay dhimasho iyo dhaawac uqeybsameen askartii saarneed gaariga la qarxiyay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.