Friday, June 20, 2025
HomeAll NewsWeerar ka Dhacay Duleedka Degmada Afgooye oo ay Dhimasho & Dhaawac ku...

Weerar ka Dhacay Duleedka Degmada Afgooye oo ay Dhimasho & Dhaawac ku Noqdeen 20 Askari.

Wararka ka imaanaya gobalka Sh-hoose ayaa ku waramaya, in weerar madaafiic ah ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab la beegsadeen, askar katirsan Dowladda Fedaraalka oo ku sugnaa sugnaa qeybo kamid ah gobalkaas.

Weerarka oo dhacay maallintii shalay ayaa waxaa lala beegsaday, ciidamo katirsan Dowladda Fedaraalka oo ku sugnaa duleedka degmada Afgooye ee gobalka Sh-hoose.

Inta la xaqiijiyay waxaa Dowladda Fedaraalka weerarkaan looga dilay 4 askari, halka looga dhaawacay 16 kale, kuwaas oo ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan.

Dhawaan ayay aheyd markii weeraro toos ah iyo camaliyad nafhurnimo ah oo ka dhacay duleedka degmada Afgooye ee gobalka Sh-hoose ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen, 80 askari oo isugu jira ciidamada Uganda ee qeybta ka ah Shisheeyaha kusoo duulay dalka iyo askarta Dowladda Fedaraalka.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.