Saturday, May 10, 2025
HomeWarka GudahaWeerar ka Dhacay Magaalada Mandheera oo Lagu Dilay ku Dhawaad 10 Ruux.

Weerar ka Dhacay Magaalada Mandheera oo Lagu Dilay ku Dhawaad 10 Ruux.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Mandheera ee dhulka NFD oo ku hoos jira gumeysiga Dowladda Kenya ka dhacay, weerar ay geysteen maleeshiyaad hubeysan kaas oo lagu beegsaday dad rayidka ah.

Ugu yaraan 6 ruux oo hal qoys kasoo wada jeeda ayaa lagu dilay weerarkaan halka lagu dhaawacay 4 kale, kadib markii ay maleeshiyaadku ku weerareen hoygooda oo ku yaalla magaalada Mandheera.

Wararka ayaa sheegaya in dilkaan uu salka ku hayo aano qabiil, Cabdulaahi Macalin Xasan oo la walaal ah ninka qoyskiisa la dilay ayaana ka warbixiyay dhacdadaan.COD

Dowladda Kenya ayaa waxaa marar badan lagu eedeeyay iney ka shaqeyneyso isku dirka beelaha Soomaaliyeed ee walaalaha ah islamarkaana dega dhulka NFD, iyo in ay si bareer ah iyo si dadbanba u gumaadeyso dadka ku dhaqan dhulkaas.

Halkan ka Degso Faahfaahinta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.