Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay habeenkii xalay fuliyeen, weeraro ka dhan ah ciidanka Shisheeye iyo kuwa Dowladda Fedaraalka, kuwaas oo ka kala dhacay goballada Gedo iyo Sh-hoose.
Haddaan ku horreyno gobalka Gedo, waxay habeenkii xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar ku ekeeyeen, xero ay ku sugnaayeen askarta Xabashida Itoobiya.
Weerarka ayaa si gaar ah loola beegsaday, xerada ay ciidanka Xabashida Itoobiya ku leeyihiin degmada Garbahaarrey ee gobalka Gedo.
Geesta kale waxay isla xalay ciidamada Xarakada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weeraro ku qaadeen, xerada ay askarta Shisheeye ee Uganda ku leeyihiin deegaanka Danow ee Sh-hoose, iyo saldhigga askarta Dowladda Fedaraalka ee degmada Jannaale ee isla gobalkaas.