Waxaa maanta weerar khasaare dhaliyay lagu qaaday isbaarada ciidanka Dowladda Fedaraalka utaalla afaafka hore ee degmada Waajid oo katirsan gobolka Bakool.
Weerarkan ayaa waxaa lagu dilay askari lagu magacaabijiray Xuseen Cilmiile, waxaana lagu soo furtay gori iyo booshkiisa.
Weerarada ay fulinayaan ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sii laba laxaadsanaya maalmihii lasoo dhaafay, iyagoo horumarro badan ka sameeyay goobaha dagaalka, lana wareegay degaano cusub.