Nin ku hubaysan toorreey ayaa malintii shalay weerar ku qaaday askar ka tirsan Booliiska Yahuudda oo ku sugnaa bariga magaalada barakaysan ee Al-Qudus ee ku hoos jirta gumaysiga Yahuudda, dagaal yahankaas ayaana dhaawac daran u geystay mid kamida askartii Yahuudda ee ku sugnayd halkaasi, sida ay Booliiska Yahuuddu ku xaqiijiyeen bayaan ay soo saareen.
Waxayna Boliiska kayyaanka Yahuudda sheegeen, in askariga dhaawaca ah toorrida lagaga dhuftay dhabarka, kadibna loola cararay xarumaha caafimaadka, halkaas oo xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayo, iyagoo sheegtay, inay dileen ninkii weerarka fuliyay.
Arbacadii ina dhaaftay ayay ahayd, markii labo qof oo Yahuud ah si xun loogu dhaawacay, weerar toogasho ah oo lagu qaaday goob Yahuudda lagu deegaameeyay oo ku taalla Daanta Galbeed, iyadoo uu goobta isaga baxsaday ruuxii weerarka fuliyay.