Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya gaar ahaan gobolka Gambella ee galbeedka dalkaasi ayaa ku waramaya, in weerar dhaliyay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac lagu qaaday gaari ay saarnaayeen dad shacab ah.
Rakaab tiradooda gaareyso 47 ruux ayaa lagu soo waramayaa iney saarnaayeen gaariga la weeraray, waxaana ay taasi sababtay dhimashada qaar kamid ah dadkaas iyo dhaawaca kuwa kale.
Kooxo hubeysan ayaa mar qura rasaas oodda uga qaaday gaariga sida ay soo tabinayaan dad goobjoogayaal ah, waxaana isla goobta ku geeriyooday 5 ruux oo ay ku jiraan haween iyo caruur.
Dadka deegaanka ayaa waxa ay weerarkaan ku eedeeyeen iney geysteen maleeshiyaad kasoo gudbay dhanka Koonfurta Suudaan, kuwaas oo marar badan sidaan oo kale weeraro uga fuliyay dalka Itoobiya.
War kasoo baxay Boliska xukuumadda Xabashida Itoobiya ayaa isana lagu xaqiijiyay, in maleeshiyaadka weerarka geystay ay kasoo gudbeen dhanka Koonfurta Suudaan, islamarkaana ay dileen 5 ruux oo uu ku jiro darawalkii gaariga, sidoo kalana ay dhaawaceen 7 qof.
Qaar kamid dadka dhaawacmay ayaa laga deyrinayaa xaaladooda caafimaad, maadaama ay soo gaareen dhaawacyo halis ah, waxaana la dhigay mid kamid ah isbitaallada ku yaalla magaalo-madaxda gobalka uu weerarku ka dhacay.
Muddo fog ayay soo socdeen weerarada ay geysnaayaan maleeshiyaadka kasoo gudba dhanka Koonfurta Suudaan ee ka dhacaya qeybo kamid ah dalka Itoobiya, waxaana weeraradii horay udhacay qaarkood ay ku dileen dad badan iyagoo ku dhacay hani ay leeyihiin dadka Itoobiyaanka ah, sidoo kale burburin ka geystay goobaha ay weerareen.