Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay maanta weeraro kala duwan ka fuliyeen, qeybo kamid ah goballada Sh-hoose iyo Jubada-hoose, kuwaas oo lagu beegsaday askar katirsan Dowladda Fedaraalka.
Haddaan ku horreyno gobalka Sh-hoose, waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaan katirsan gobalkaas.
Howlgalka oo si gaar ah kaga dhacay deegaanka Shalaambood ee gobalka Sh-hoose ayaa lagu khaarajiyay, Xaaji Fareey oo katirsanaa Dowladda Fedaraalka, waxaanaa laga soo qaatay qori iyo 2 boosh oo uu ku hubeysnaa.
Geesta kale waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar ku qaadeen, xero ay askarta Dowladda Fedaraalka ku leeyihiin deegaan katirsan gobalka Jubada-hoose.
Weerarka ayaa si gaar ah kaga dhacay xero ay askarta ku lahaayeen deegaanka Diif, waxayna ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab nolosha ku qabteen mid kamid ah askartii ku sugneyd xerada ay weerareen.
Guulaysta qabiyaga ayaa ku diirasanaya warka saaka. Ogaada somalia idinkaa xaq uleh, hooyaa xaq uleh, kitaabkaana hooyo kugodaa marka waxaa udagaalantaan baahaysataa.