Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsWeeraro ka Dhacay Baay iyo Sh-hoose, iyo Faahfaahin Laha Helayo Dagaal ka...

Weeraro ka Dhacay Baay iyo Sh-hoose, iyo Faahfaahin Laha Helayo Dagaal ka Dhacay Mandhera.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta fuliyay weeraro ka dhan ah askarta Dowladda Fedaraalka iyo kuwa maamulka la baxay Koonfur-galbeed, kuwaas oo ka kala dhacay goballada Baay iyo Sh-hoose.

Haddaan ku horeyno gobalka Baay, waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar ku qaadeen, xero ay askarta maamulka la baxay Koonfur-galbeed ku leeyihiin gudaha magaalada Beydhabo.

Gobalka Sh-hoosana waxaa weerar kamiin ah lala beegsaday askar katirsan Dowladda Fedaraalka oo kasoo baxay degmada Janaale kuna sii jeeday deegaanka Buufow ee isla gobalkaas, waxaana gaaray khasaare kala duwan.

Geesta kale tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar ay saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen, xero ay askarta Kenya ku leeyihiin deegaan katirsan gobalka Mandheera.

Weerarka ayaa lagu qaaday, xero ay askarta Kenya ku leeyihiin deegaanka Alluunga ee hoostaga degmada Lafeey ee gobalka Mandheera ee ay Kenya gumeysato, waxaana lagu dhaawacay 3 askari.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.