Thursday, May 22, 2025
HomeAll NewsWeeraro ka Dhacay Dalka Kenya oo Lagu Dilay Baadari Kenyaan ah iyo...

Weeraro ka Dhacay Dalka Kenya oo Lagu Dilay Baadari Kenyaan ah iyo Xubno Kale.

Dalka Kenya waxaa saacadihii lasoo dhaafaay siyaabo kala duwan uga dhacay dilal loo geystay Baadari Kenyan ah iyo dad kale oo ku sugnaa ismaamul katirsan dalkaas.

Degmada Igwamiti Parish oo katirsan magaalada Nyahururu ee dalka Kenya ayay kooxo hubeysan hubeysan, mid kamid ah baadariyaasha Kenyan ka ah ee ku sugnaa magaaladaas.

Waaxda dambi baarista ee Dowladda Kenya ayaa sheegtay iney baaritaanno ku wado dilka loo geystay baadrigaan, waxaana maydka baadarigan laga helay waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Nakuru iyo Nairobi.

Sidoo kale ugu yaraan 2 ruux oo Keenyaan ah ayaa lagu dilay weeraro ka dhacay magaalada Lurambi ee ka tirsan ismaamulka Kakamega ee dalka Kenya.

Halkaan ka Degso Warka Kenya

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.