Thursday, May 15, 2025
HomeAll NewsWeeraro ka Dhacay Deyniile iyo Duleedkeeda oo Khasaare Dhaliyay, & Sarkaal Lagu...

Weeraro ka Dhacay Deyniile iyo Duleedkeeda oo Khasaare Dhaliyay, & Sarkaal Lagu Beegsaday Xalane.

Degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda waxaa ka dhacay weeraro isugu jira qaraxyo iyo kuwa toos ah, kuwaas oo lagu jabiyay ciidamada Dowladda Fedaraalka khasaare nafeedna geystay.

Faahfaahin ayaa laga helayaa dagaal iyo qarax ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab kala hortageen, askar katirsan Dowladda Fedaraalka oo dhaqdhaaqyo ka waday inta udhaxeysa degmada Deyniile iyo deegaanka Ceel-Shaalle ee magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan 4 askari ayaa laga dhaawacay askarta Dowladda Fedaraalka, iyagoona laga gubay 3 gaari oo Cabdi-Bile ah, kuwaas oo uu mikdood qarax haleelay.

Sidoo kale qarax maanta ka dhacay xaafadda Dhista ee degmada Deyniile oo katirsan magaalada Muqdisho ayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab la beegsadeen, koontarool ay ku sugnaayeen askar katirsan Dowladda Fedaraalka, waxaana qaraxaasi lagu dilay 2 askari halka lagu dhaawacay 2 kale.

Dhanka xerada Xalane ee isla magaalada Muqdisho, waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen weerar qarax ah oo lala beegsaday sarkaal katirsan Dowladda Fedaraalka.

Qaraxa ayaa waxaa lagu burburiyay hoyga uu gudaha xerada Xalane ka daganyahay Macalin Cumar oo ah taliyaha ciidanka ilaaliya albaabka laga galo xerada Xalane, sidoo kalana ah sarkaal katirsan Sirdoonka Dowladda Fedaraalka.

Ninkaan ayaa waxa uu dhaawac halis ah kasoo gaaray qaraxa lala beegsaday, waxaana laga deyrinayaa xaaladdiisa caafimaad, iyadoona lasoo warinayo inuu dhibaato ba’an ku hayay dadka ku dhaqan nawaaxiga xerada Xalane.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.