Habeenkii xalay iyo saakay waxa ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab fuliyeen, weeraro isugu jira qarax iyo kuwa toos ah oo lala beegsaday askarta Xabashida Itoobiya ee duullaanka ku jooga qeybo kamid ah goballada Baay iyo Gedo.
Haddaan ku horreyno gobalka Baay, waxa ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab saakay aroortii hore weerar qarax ah la beegsadeen, askar katirsan Xabashida Itoobiya oo ku sugnaa magaalada Beydhabo.
Qaraxa ayaa si gaar ah loola beegsaday ciidanka Xabashida ee ku sugan garoonka diyaaradaha ee magaalada Beydhabo, mana aanan helin faahfaahin ku aaddan qaraxaas.
Sidoo kale waxaa xalay weerar lagu qaaday, xero ay askarta Xabashida Itoobiya ku leeyihiin degmada Diinsoor ee isla gobalkaas.
Dhanka gobalka Gedo, Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku ekeeyay, fariisin ay askar katirsan Xabashida Itoobiya ku leeyihiin magaalada Baardheere ee gobalka Gedo.