Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxa ay weeraro kala duwan ka fuliyeen goballada Gedo Hiiraan, kuwaas oo lala beegsaday askar katirsan kuwa Itoobiya iyo Dowladda Fedaraalka.
Gobalka Gedo, Habeenkii Xalay Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxay weerar ku qaadeen, xerada Baraxow ee ay askarta Dowladda Fedaraalka ku leeyihiin degmada Baardheere ee gobolkaas.
Isla gedo maalintii shalay Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxay weerar ku qaadeen garoonka magaalada Baardheere, halkaas oo ay heystaan ciidamada xabashida itoobiya.
Qoriga RBG ayaa haleelay dhismo ay xerada ka waardiyeysan jireen ciidanka Xabashida Itoobiya kaas oo burburay.
Weerar dhabbagal ah oo labo maalin kahor ciidamada Kenya loogu dhigay gobolka Mandheera gaar ahaan degaanka Warguduud ayaa faahfaahin laga helayaa, waxaana sii hordhay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ah.
Dhamashada ayaa gaartay illaa 8 askari halka dhaawacuna uu marayo 10 kale.
Geesta kle weerar dhabbagal ah oo labo maalin kahor ciidamada Kenya loogu dhigay gobolka Mandheera gaar ahaan degaanka Warguduud ayaa faahfaahin laga helayaa, waxaana sii hordhay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ah.
Dhamashada ayaa gaartay illaa 8 askari halka dhaawacuna uu marayo 10 kale.