Tuesday, June 3, 2025
HomeAll NewsWeeraro Khasaare Ba’an Gaystay oo Lagu Qaaday Ciidamada Dalalka Maali iyo Burkiina-Faaso.

Weeraro Khasaare Ba’an Gaystay oo Lagu Qaaday Ciidamada Dalalka Maali iyo Burkiina-Faaso.

Gobollada Saaxilka ee galbeedka Afrika ayaa toddobaadkan markale wajahaya guluf dagaaleed culus, kaddib weerarro isdaba joog ah oo ay fuliyeen ciidamo ka tirsan mujaahiidiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin. Weerarradaasi oo dhacay maalmihii lasoo dhaafay ayaa lala beegsaday saldhigyo ciidan iyo kolonyo millatari oo ka kala tirsanaa ciidamada Burkiina-Faaso iyo Maali.

Weerarkii ugu weynaa ayaa dhacay Khamiistii lasoo dhaafay, waxaana lagu qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla deegaanka Suud-Kawaari ee gobolka Fandargooma ee dalka Burkiina-Faaso. Hawgalkaas ayaa sababay khasaare aad u ballaaran, iyadoo lagu dilay tiro badan oo ka tirsanaa ciidamada dalkaas iyo maleeshiyaad taageersan. Ciidamada mujaahidiinta ayaa gacanta ku dhigtay agab milatari oo fara badan, waxaana qayb ka ahaa 18 qori oo iskugu jira Ak-47 iyo RBG, 7 mooto oo ah nooca laba lugooda, diyaarad daroon ah iyo qalab kale oo milatari.

Isla dalkaas waxaa sidoo kale isbuucii ina dhaafay ka dhacay ugu yaraan shan qarax oo lala beegsaday kolonyo ciidan oo marayey gudaha gobolka Diiduuqu, gaar ahaan inta u dhaxaysa tuulooyinka Mayamuusu iyo Fuum iyo sidoo kale inta u dhaxaysa gobalada Fadangarooma iyo Yuunaquu. Qaraxyadaas oo ahaa kuwo si xeeladaysan loo agaasimay ayaa sababay khasaare culus, inkastoo aan khasaaraha rasmiga weli la shaacin.

Dhanka Maali, weerar aad u xooggan ayaa shalay subax ka dhacay deegaanka Siirakuruula ee gobolka Kuulikuuru ee dalka Maali, halkaas oo ay ciidamo aad u hubaysan oo qayb ka ah ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ku qaadeen saldhig ciidan oo muhiim ah. Hawgalkaas ayaa lagu dilay Afar askari oo Maaliyaan ah, iyadoo ay jihaadiyiinta u suuragashay inay si buuxda ula wareegaan xerada iyo nawaaxigeeda, isla markaana ay gacanta  ku dhigeen agab milatari oo ballaaran.

Isla dalka Maali, ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ayaa mar kale weerar qorshaysan u dhigay askar ka tirsan ciidamada dalkaas, iyaga oo beegsaday gaari gaashaaman oo ay wateen kolonyo askar ah oo ay wehlinayeen saraakiil ciidaan, in kastoo aan la shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas, waxay dhanka kale mu’assasada Az-Zallaaqah sheegtay in gabi ahaanba uu burburay gaariga la beegsaday.

Weeraradan lagu daahfuray bishan barakaysan ee Dulxijah ayaa shaaca ka qaadaya dardar galinta hawgalada jihaadiga ah ee ay bandiirada u sidaan ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin, kuwaas oo bishii lasoo dhaafay fuliyay weerarro culus oo lagu dilay in kabadan 828 askari oo iskugu jiray ciidamada dalalka galbeedka Afrika iyo calooshood u shaqaysayaasha murtazaqada Fagnar. Waxaan isasoo taraya futuuxaadka kasoo yeeraya wadamada Saaxilka, kuwaas oo qarka u saran inay gabi ahaanba gacanta ugu dhacaan Jihaadiyiinta ka hawgala dalalkaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.