Monday, June 30, 2025
HomeAll NewsWeeraro Lagu Dilay in ka Badan 40 Askari oo Ka Dhacay Dalalka...

Weeraro Lagu Dilay in ka Badan 40 Askari oo Ka Dhacay Dalalka Burkiina-Faso iyo Maali.

Ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin oo dhawaan weerar culus la beegsaday kolonyo ciidamo ah oo dhaqdhaqaaq milatari ka samaynayay gobalka Fandargarooma ee Bariga dalka Burkiina-Faaso ayaa laga helayaa faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha gaaray ciidamada dalkaas, sida ay sheegtay mu’assasada warbaahineed ee Az-Zallaaqah oo ku hadasha afka Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin.

Maalinimadii jimcaha ee isbuucii inadhaafay ayay ahayd markii weerar lama filaan ah uu ka dhacay duleedka magaalada Jaabuu, halkaas oo ay jihaadiyiintu kaga hortageen ciidamo kolanyo ah oo dhaqdhaqaaq milatari ka waday gobalkaas, kuwaas oo isku dayayay inay carqaladeeyaan dhulka shareecada lagu maamulo ee ay gacanta ku hayaan jihaadiyiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin, waxayna mujaahidiintu subaxaas dhagta dhiiga u dareen in kabadan 40 askari oo ka tirsanaa ciidamada Burkiina-Faaso.

Waxaa intaas dheer oo ay ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ay gacanta ku dhigeen saanad ciidan oo ay ku qalabaysnaayeen askarta lagu xasuuqay dagaalkaas, waxaana kamid ahaa 4 qori oo ah nooca RPG-ga, 4 daba-jeex iyo 39 qori oo AK-47 ah.

Dalka Maali ayaa sidoo kale maalmihii lasoo dhaafay martigaliyay labo hawgal oo loo adeegsaday miino dhulka lagu aasay, taas oo lagu beegsaday kolonyo ciidamo ah oo ku safrayay gobolo kala duwan oo ka tirsan dalkaaas.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay gobolka Siighu ee dalkaas, gaar ahaan inta u dhaxaysa magaalooyinka Bila iyo Benghaso, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday inta badan ciidamadii saarnaa gaariga. Hawgalka labaad oo isna ahaa qarax miino oo gaari ciidan lala beegsaday ayaa ka dhacay gobolka Sikaasso, gaar ahaan wadada u dhaxaysa magaalooyinka Danshiila iyo Sikaasso. Jihaadiyiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin oo war kooban kasoo saaray hawgaladan ayaa sheegay, in gawaarida labeegsaday ay gabi ahaanba burbureen, kuwaas oo dhaliyay khasaare culus oo soo gaaray ciidamada dalka Maali.

Wadamada ku bohoobay isbahaysiga milatari ee loo yaqaano Aliyaans of Saaxil Istayt oo ka kooban dalalka Maali, Burkiina-Faaso iyo Niijar ayaa haatan wajahaya cadaadis xooggan oo kaga imaanaya dhinacyo kala duwan oo ay qayb ka yihiin gaylanka jihaadiga ah ay hurinayaan dagaalyahanada Jamacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin, kuwaas oo kala dhantaalay awoodii ciidamada dalalkaa, iyada oo ay usii dheer tahay kacdoon daakhili ah oo ay shacabku kagasoo hor jeedaan xuukamadaha talada dalalkaas haya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.