Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay dil loo geystay wiil dhalinyaro ah, oo kamid ahaa dadka ka shaqeysta magaalada.
Wiilka la dilay waxaa lagu magacaabaa Fanax, waxaana dilkiisa loo adeegsaday toorrey.
Muran soo kala dhexgalay gacan kudhiiglaha iyo Fanax, ayaa ugu dambeyn dhaliyay in Fanax dhowr toorrey lagu dhufto, sidaasina uu goobta ugu dhinto.