Cabdirashiid Xuseen Cabdiraxmaan oo ahaa kamid ahaa dhalinyrada ku nool Gaalkacyo ayaa xalay lagu dilay Waqooyiga magaalada, waxaana dilkiisa ka dambeeyay koox dabley ah.
Falkan dilka ah ayaa dhacay xalay salaaddii Maqrib kadib, waxaana goobta ka baxsaday kooxdii hubeysneyd ee dilka geystay, tani ayaana kusoo aadeysa iyadoo mudooyinkii lasoo dhaafay ay magaalada ka dhacayeen dilal salka ku haya aanooyin qabiil.