William Ruto oo ah madaxweynaha Dowladda Kenya, ayaa waxaa maalintii shalay lagu weeraray ismaamulka Migori ee gudaha dalkaaas, xilli uu khudbad ujeedinayay dad isugu soo baxay goob fagaare ah.
Mid kamid ah dadkii ku sugnaa goobta ayaa waxa uu Kab madaxa kaga dhuftay Madaxweynaha Kenya, waxaana mar qura goobta is qabsaday buuq iyo sawaxan.
Muuqaal laga soo duubay xilligii weerarka lagu qaadayay William Ruto ayaa saacadihii lasoo dhaafay si aad ah u qabsaday baraha bulshada, iyadoona dadka Kenyan ah ay siyaabo kala duwan uga falceliyeen.
Muuqaalka ayaa muujinaya William Ruto oo isagoo la hadlayay dadka ku sugan fagaaraha mar qura ay kab madaxa kaga dhaceyso, taas oo argagax ku abuurtay isaga iyo masuuliyiinta la socotay.
Boliska Kenya ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen, in ay gacanta ku dhigeen mid kamid dadkii ku sugnaa goobta, kaas oo ay ku tuhunsan yihiin inuu ka dambeeyay weerarka lagu qaaday Madaxweynaha Kenya.
Tani ayaanan ugub ku aheyn dalka Kenya si gaar ah ismaamulka ay hadda ka dhacday arrintaan, waxaana xusid mudan in sanadkii 2015 isla gobalkaan weerar nuucaan oo kale ah lagula beegsaday Uhuru Kenyatta oo xilligaasi ahaa Madaxweynaha Kenya.