William Ruto oo ka hadlayay munaasabad diimeed ka dhacday ismaamulka Bungama, ayaa wuxuu ugu baaqay siyaasiyiinta dalka Kenya, ineysan ku dhiirogelin dhalinyarada dalkaas, dhigitaanka banaanbaxyo ay kaga soo horjeedaan xukuumadda Nairobi.
Wuxuu ku baaqay Ruto in halkii dhalinyarada lagu boorin lahaa qalalaasha, iyo iney shaqooyinka ka tagaan, ay haboontahay in lagu dhiirogeliyo iney shaqeystaan, maadaama buu yiri ay yihiin hogaanka mustaqbalka dalka.
In lagula taliyo dhalinyarada iney qalalaaso sameeyaan, wuxuu madaxweynaha dalka Kenya Ruto ku tilmaamay, mid aan xallin karin dhibaatooyinka jira, balse taas caksigeeda ay ka qeyb qaadaneyso, iney mashaakilka sii bataan, dalkana uu wajaho xaalado halis ah.
” Dhalinyaradu waxay naga mudanyihiin wax badan oo wanaagsan, uma baahna qalalaaso iyo iney dagaal kala horyimaadaan ciidanka, waxay u baahanyihiin fursado shaqo in loo abuuro” ayuu yiri madaxweynaha dalka Kenya William Ruto.
Hadalka uu madaxweynaha dalka Kenya ka jeediyay kulanka ka dhacay ismaamulka Bungama ayaa kusoo aaday, xilli waayadii u dambeysay dalka Kenya ay ka socdeen qulqulatooyin siyaasadeed iyo banaanbaxyo rabshado wato oo ay dhigayaan dadka Kenyaanka ah, arintaas oo ay gadaal ka riixayaan siyaasiyiin mucaaradsan Ruto, oo uu kamid yahay madaxweynihii hore ee dalka Kenya Uhuru Kenyata.