Iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay markale dib usoo cusboonaatay colaada iyo weerarada xagga warbaahinta ah ee ay is dhaafsanayaan Ilhaan Cumar iyo Donald Trump, ayaa waxaa iminka lasoo sheegayaa in xaalad adag ay wajahay qaar kamid ah qoyska Ilhaan Cumar.
Isra Xirsi oo ah gabar ay dhashay Ilhaan Cumar ayaa lasoo warinayaa in shaqo la’aan heysata darteed ay qarka u saaran tahay iney iibiso dharkeeda.
Gabadhaan ayaa waxaa hadda kahor xabsiga dhigay ciidamo katirsan Booliska Mareykanka, taas oo xilligaasi lagu eedeeyay iney ka qeyb gashay banaanbax ka dhacay gudaha dalkaas.