Warar soo baxaya ayaa sheegaya in taliyaha ciidamada ee Dowladda Xabashida Itoobiya ninka lagu magacaabo Berhanu Jula ay lasoo daristay xaaladda caafimaad islamarkaana uu shaqada ka maqan yahay.
Dalka Ruushka ayaa lasoo warinayaa inuu aaday taliyahaan, saraakiil ciidan ayaana xaqiijiyay in taliyaha ay xaalad caafimaad lasoo daristay.
Wararka ayaa intaas ku daraya, in todobaadyadii lasoo dhaafay uu ciidanka Xabashida Itoobiya maamulayay, Jenaraal Getachew Gudina oo ah taliyaha sirdoonka ee ciidanka Itoobiya, sidoo kalana ahaa gacanta midig ee Berhanu Jula.