Degmada Qorooley ee gobalka Sh-hoose oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka taagnaayeen xaalado amni, ayaa waxaa lasoo warinayaa iney kasii dareyso xaaladda degmadaas.
Ciidamada Dowladda Fedaraalka iyo kuwa maamulka la baxay Koonfur-galbeed ayaa dil iyo dhac aan kala joogsi laheyn waxa ay ka wadaan degmada Qoryooley.
Xaalka ayaa iminka maraya in dadka ay aadi waayaan masaajidda, sababo ku aaddan dhaca iyo dilka ay geysanayaan ciidamada sida uu sheegayo mid kamid ah dadka ku sugan degmada Qryooley.