Diraasad uu baahiyay machadka CTC ee taabacsan kulliyadda Milliteriga Maraykanka ee Westpoint, ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka ay ku jirto xaalad kala guur ah, mustaqbalka ciidamada Shisheeye ee duullaanka ku jooga dalkana uu yahay mid aan xaalad fadhisa ku jirin, taas bedelkeedana ay kordheyso awoodda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Diraasadan oo ciwaan looga dhigay “Soomaaliya waxay wajaheysaa xaalad kala guur ah, oo kala ah Xagjirka sii xoogeysanaya, Siyaasadda kala go’an iyo mustaqbalka aan la hubin ee howlgalka AUSSOM”, ayaa shaaca ka qaaday xaaladda hubanti la’aanta ah ee ay wajaheyso Dowladda Federaalka.
“Kadib saddex sano oo laga joogo markii Dowladda Federaalka ay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, weli mash-hadka amni ee Soomaaliya waa mid aan xasilooneyn, waxaa dib usoo muuqday awoodda Al-Shabaab, wada shaqeynta ciidamada Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyadana waa mid kooban, musatqbalka howlgalka AUSSOM-na waa mid aan la hubin, dhamaan arimahan waxaa riixaya khilaafka siyaasadeed, wadan kala qeybsan, daalka deeqbixiyeyaasha iyo culeesyada howlgelinta” ayay leedahay warbixinta uu daabacay machadka taabacsan Kulliyada Milliteriga Maraykanka ee Westpoint.
Diraasadda oo sii socota waxay soo hadal qaaday weerarkii lala beegsaday kolonyo uu la socday madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo ka dhacay magaalada Muqdisho, waxayna weerarkaas ku tilmaamtay mid kamid ah weeraradii sii xoojiyay walaaca laga qabo xaaladda Soomaaliya, banaankana soo dhigay kororka awoodda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, oo ay warbixintu ku tilmaamtay iney tahay mid kamid ah faracyada ugu najaaxa badan AlQaacida.
“ Marso, 18-keeda 2025-ka, qarax ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho, bartilmaameedkuna wuxuu ahaa Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha Dowladda Federaalka, Al-Shabaab ayaa diyaariyay weerarka, waxaana lagu tilmaamaa iney tahay mid kamid ah faracyada ugu guusha badan ee hoostaga ururweynaha AlQaacida, madaxweynaha wuu ka badbaaday weerarka, balse wuxuu ahaa weerarkii ugu dhiig daadashada badnaa ee bilihii lasoo dhaafay ka dhacay Muqdisho, banaankana soo dhigay walaaca ay muujinayeen falanqeeyayaasha ee la xiriiray in Al-Shabaab ay dib isku soo abaabuleen, kuna soo siqayaan magaalada caasimadda ah, taasoo Muqdisho ka dhigeysa mid aan amni ahayn” ayay leedahay diraasadan cusub ee uu soo saaray machad taabacsan Kulliyadda Milliteriga Maraykanka ee Westpoint.
Marka laga yimaado kororka awoodda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ay warbixintu shaaca ka qaaday, waxaa barbar socda hubanti la’aan ka taagan ciidamada Shisheeye ee Soomaaliya ku sugan, kuwaasoo aan loo heynin maalgelin sugan, sida ay warbixinu tilmaameyso, dul-duleellada amni ee muuqda ayayna CTC tilmaameysaa iney ka faa’ideyneyso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Diraasaddu waxay dib ugu laabaneysaa maalmihii ka dambeeyay dib u doorashadii Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo tilmaameysa in rajo laga qabay guluf dagaaleedkii ay ku dhawaaqday Dowladda Federaalka, ee ay hawada ka taageerayeen Maraykanka iyo Turkiga, ciidamada Dowladda Federaalkana ay muda kooban kula wareegeen dhul ballaaran oo katirsan gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.
Laakiin weeraradii cuslaa ee ay qaadeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayay diraasaddu tilmaameysaa iney horseedeen dib u dhac soo wajahay ciidamada Dowladda Federaalka, iyo inuu hoos u dhaco hadal-heyntii howlgalka, iyadoo uu meesha ka baxay wejigii labaad ee loogu yeeray Libaaxa madow.
Mid kamid weeraradii waaweynaa ee ay diraasadda cusub soo hadal qaaday waa dagaalkii cuslaa ee Cowsweyne, kaasoo ay ku tilmaamtay inuu ahaa mid ku qasbay ciidamada Dowladda Federaalka iney dib u gurasho ka sameeyaan furimaha dagaalka, marka laga yimaado guutooyinka katirsan ciidamada ee lagu waayay weerarkaas, sida ay tilmaameyso CTC.
“ Billowgii sanadka 2025-ka waxaa muuqatay in weerarkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab uu gaaray albaab xiran, Ramadaan kahor oo ku beegneyd February waxay Al-Shabaab dib u billaabeen iney soo muuqdaan, iyagoo soo qaaday weeraro si gaar ah u bartilmaameedsanayay gobolka Shabeellaha Dhexe, ujeedadooduna waxay ahayd iney dib usoo ceshtaan dhulkii horey looga qabsaday. Bartamihii Marso ee sanadkan waxay sidoo kale Al-Shabaab dib ula wareegeen deegaanno horey looga qabsaday oo ku yaala Shabeellaha Hoose” ayay leedahay diraasadda uu baahiyay markazka CTC ee taabacsan Kulliyadda Milliteriga Maraykanka ee Westpoint.
Waxay sidoo kale diraasaddu soo hadal qaaday weerarada duqeymaha ah ee ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku garaaceen saldhigyo ciidan oo ku yaala Afgooye iyo magaalada Muqdisho. “ Weerarkii lagu beegsaday Xasan Sheekh ayaase ahaa weerarkii ugu sarreeyay xaga abaabulka iyo diyaarinta ee ay fulisay Al-Shabaab” ayay sii raaciyeen khubarrada amni ee qoray diraasadan.
Marka laga hadlayo xaaladda hubanti la’aanta ah ee heysata ciidamada Shisheeyaha ee duullaanka ku jooga Soomaaliya, waxay diraasaddu tilmaameysaa iney tahay caqabad la xiriirta xaga maalgelinta, iyadoo dowladihii reer galbeedka ee maaliyad ahaan taakuleynayay ciidankan ay rajo beel ka muujinayaan waxtarka howlgalka, xilli ay sii kordheyso xaaladaha siyaasadeed ee cakiran ee kajira dunida, sida ay diraasaddu tilmaameyso.
Iyadoo diraasaddu ka hadleyso walwalka lasoo dersay Dowladda Federaalka ee la xiriira suurtogalnimada in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay la wareegto magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayay tilmaamtay, in Al-Shabaab tahay jamaaco ku guuleystay iney kasoo gudubto xaalado adag oo soo wajahay, iyadoo adeegsaneyso asaaliib dagaaleed sugan ayayna tilmaamtay in labaatankii sano ee lasoo dhaafay qeyb weyn ka ahayd mash-hadka Soomaaliya.
“ Weerarada Shabeellaha Hoose iyo duleedyada Muqdisho iyo gudaheeda ka fulineyso Al-Shabaab keliya kama mashquulinin Dowladda Federaalka dhanka gobolka Shabeellaha Dhexe, balse waxay abuurtay xaalad walbahaar ah, heer warbaahinta iyo bulshadu ay isla dhexmareen suurtogalnimada in Muqdisho ay gasho gacanta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab” ayay leedahay diraasadda uu baahiyay markazka CTC ee taabacsan Kulliyadda Milliteriga Maraykanka.
Diraasadan cusub ee ay baahisay xarunta CTC ee taabacsan Kulliyadda Milltiriga Maraykanka ee Westpoint ayaa ku daba feeleysa, silsilado warbixinno, maqalaaat iyo diraasaad waayadii lasoo dhaafay baahinayeen, xarumo iyo warbaahinno ku yaala gobolka, wadamada carabta iyo reer galbeedka, kuwaasoo isku raacay in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay lasoo baxday awood xoogan, suuragalna ay tahay iney Muqdisho la wareegto haddii xaalka cakiran ee Dowladda Federaalka iyo ciidamada Shisheeyaha uu sidan sii ahaado.