Wararka ka imaanaya gobalka Mudug ayaa ku waramaya ee bartamaha Soomaaliya ayaa ku waramaya, in xaalado caafimaad ay lasoo daristay bulshada ku dhaqan deegaanno katirsan gobalkaas.
Waxaa aad uyar helitaanka adeegyada caafimaadka ee deegaannada ku yaalla gobalka Mudug, waxaana kamid ah deegaannadaas Gal-barwaaqo, Ceel-guula. iyo deegaanno kale oo ku yaalla gobalka.
Masuul katirsan waaxda caafimaadka ee maamulka la baxay Galmudug ayaa waxa uu ka hadlay dhibaatooyinka ka jira deegaannadaas, isagoo sheegay in isbitaallada ku yaalla halkaas ay dadku iyagu dhisteen oo aysan iyagu waxba uqaban.