Monday, April 21, 2025
HomeAll NewsXabaal Wadareedyo Dad Badan Lagu Aasay oo Laga Helay Koonfur Bari Dalka...

Xabaal Wadareedyo Dad Badan Lagu Aasay oo Laga Helay Koonfur Bari Dalka Liibiya.

Todobaad gudihiisa waxaa meydadka ku dhawaad 50 ruux oo lagu Aasay labo xabaal wadareed laga helay saxaraha dhaca Koonfur Bari wadanka Liibiya, sida ay shalay sheegeen mas’uuliyiin katirsan xukuumadda Liibiya.

Xabaal wadareeyadan ayaa laga helay magaalada Kufra ee dhacda koonfur Bari wadankaasi, waxaana Bayaan kasoo baxay wasaaradda amniga ee Liibiya lagu sheegay in mid kamid ah xabaalwadreeyadaasi laga soo saaray 19 ruux, kuwaasoo maalintii jimcaha laga aasay gudaha beer kun taalla magaalada Kufra.

Xabaal kale oo isla magaalada gudaheeda laga helay ayaa laga soo saaray dad aan ka yareyn 30 ruux, kadib markii la weeraray xarunta dadka lacago madax furasho ah looga qaato oo ku taalla magaalada, waxayna dadkii badbaaday sheegeen in dadka halkaasi lagu duugay aysan ka yareyn 70 qof.

Hay’ad lagu magacaabo Al-Caabiriin Al-kheyriyah, ayaa sheegtay, in dadka qaar lagu dhuftay rasaas sidaba jirkooda ka muuqatay kahor inta aan lagu duugin xabaal-wadareedka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.