In ka badan hal sano oo ay go’doomin adag ku jirtay magaalada Al-Faashir ee galbeedka Suudaan, taas oo ay ku hayeen maleeshiyaadka Taageerada Degdegga ah, dadka magaalada ayaa hadda si weyn u sugaya dhaqan-galka xabbad-joojin bani’aadamnimo, taas oo la filayo inay socoto muddo toddobaad ah, kaddib markii golaha kumeelgaarka ah ee Suudaan uu oggolaaday dalab kasoo baxay waxa loogu yeero Qaramada Midoobay oo ku saabsan in si ku-meelgaar ah loo joojiyo dagaalka.
Xaaladdaan cusub ayaa timid iyadoo Al-Faashir ay wajahayso dhibaatooyin nololeed oo ba’an. Hay’addo caalami ah oo ka hawgala dalka Suudaan ayaana ku baaqay in la furo waddooyinka soo gala magaalada, si gargaar bani’aadamnimo loo gaarsiiyo kumanaanka qof ee ku xayiran gudaha magaalada.
Tan iyo Abriil sanadkii 2024-ka, magaalada Al-Faashir ayaa la kulmaysay go’adoon guud oo ay kusoo rogeen xoogagga taageerada degdegga ah, taas oo keentay joojinta dhammaan adeegyada aasaasiga ah, Sida: cuntada iyo daawooyinka, arintan ayaana timid kaddib markii ay ciidamada dawladda Suuadan ay iyaguna dhankooda joojiyeen duulimaadyadii cirka ee gali jiray magaalda kahor muddo shan bilood ah.
Guddiga Sare ee Xukuumadda Suudaan ayaa shaaciyey bayaan rasmi ah oo sheegaya, in Cabdifataax Al-Burhaan uu helay baaq kasoo baxay xoghayaha guud ee waxa loogu yeero Qaramada Midoobay, kaas oo Al-Burhaan usoo jeediyay in dagaalka si ku meel gaar ah loo joojiyo, si loo fududeeyo gaarsiinta gargaar bini’aadanimo loona yareeyo dhibaatada gaaraysa dadka shacabka ah.
Sida ay ilo xog-ogaal ah u sheegeen, warbaahinta weli lama bilaabin diyaarinta farsamo ee ku saabsan heshiiska lagu hakinayo dagaalka, waxaana la filayaa inuu ahaan doono mid lagu joojiyo wax kasta oo dagaal ah oo ka dhaca gudaha magaalada Al-Fashir, oo ay ku jiraan dhaqdhaqaaqyada ciidamada iyo duulimaadyada, iyadoo isla markaana si degdeg ah loo oggolaan doono gelitaanka gargaar bani’aadanimo oo loo marayo waddooyin ammaan ah.
Iyadoo dowladda Suudaan ay si rasmi ah u oggolaatay hindisaha joojinta dagaalka, haddana weli ma jiraan wax faahfaahin ah oo ka soo baxaya dhanka xoogagga Taageerada Degdegga ah oo ku saabsan mowqifkooda xabad-joojineed, taas oo dhalinaysa su’aallo ku saabsan sida ay ugu hogaansami doonaan qodobbada heshiiska.
Afhayeen rasmi ah oo u hadlay xooggaga taageera ciidamada dawladda Suudaan korneel Axmed Xuseen Mustafa, oo si gaar ah ula hadlay warbaahino caalami ah ayaa yiri: “Waxaan taageersanahay dadaal kasta oo bani’aadanimo oo badbaadinaysa nolosha shacabka, balse ma ogolaan doono in mar kale dhacaan xadgudubyo ka yimaada dhinaca maleeshiyaadka, waxaana si adag uga hortagi doonnaa cid kasta oo isku dayda khalkhal galinta amniga dalka.”