Dowladda Ingiriiska oo lawada ogsoon yahay inta uu gaarsiisan yahay cadawadda ay u hayso waddamada Islaamka ayaa maalmihii lasoo dhaafay karkarinaysay hindisa ay ku sheegtay, inay xabad joojin kaga hergalinayso dalka Suudaan, kaas oo aan loogu wicin dhinacyada ku dagaalamaya dalkaas, oo ay ugu tunka wayn-yihiin malatariga uu hogaamiya C/Fataax Al-Burhan.
Ingiriiska ayaana -dantuu rababa ha ka lahaadee- u sacyinay, in la sameeyo koox fududaysa wada-hadallo lagu soo afjaraya colaadda sokeeye ee Suudaan ka socota muddada labada sane ah.
Balse waxaa lagu soo warenayaa, in gabi ahaanba dadaalladaasii ay burbureen shalay Talaadadii, kadib markii ay dawladaha Carabtu diideen inay saxeexaan bayaan wadajir ah oo ku saabsan arintaas, xilli ay ka qayb galayeen shir ka dhacay magaalada London.
Wargeyska The Gaadiyaan ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa sheegay, in dood socotay maalin dhan oo u dhaxaysay Masar, Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta kuna saabsanayd war-mutiyeedkii laga soo saari lahaa shirkaas, ay tahay midda burburka ku keentay hindisahaas uu garwadeenka ka ahaa Ingriiska, ayna ka qayb galeen xubna ka kala socday dowlaha Carabta, Yurub iyo kuwa kale.
Wargeysku ayaana xaqiijiyay, in dadaalka uu wasiirka arimaha dibadda ee Ingiriiska uu ku doonayay inuu ku qanciyo wadamada Carabta in la as-aaso koox ka shaqaysa xabad joojin ka dhacda dalka Suudaan ay noqon waysay mid miro dhal ah, taas oo muujinaysa sida ay dowlaha carabtu uga macaashayaan dhibatada ka taagan Suudaan.
Waxaa uu intaasi ku daray in “rajada laga qabo in wadahadal lagu dhammeeyo colaadda dalkaas ay yaraatay dabayaaqadii Talaadadii, kolkaas oo taliyaha ciidamada Taageerada degdega ah, Maxamed Xamdaan Doqlo, oo loo yaqaan Xumaytu, uu ku dhawaaqay in la dhisayo xukuumad la tartanta tan rasmiga ah ee hadda ka jirta Suudaan.”
Arintan ayaa kusoo beegmayso, iyadoo dagaalka Suudaan uu Labo sano jirsaday, halka Maleeshiyaad RSf-na ee taageerada ka helaya dowladda Imaaraadka Carabta lagala wareegay dhul baaxadle oo ka tirsan dalkaas.