Waxaa marba marka ka dambeysa isa soo taraya khasaaraha baaxadda leh ee ciidamada Dowladda Fedaraalka ku gaaray, dagaalladii cuslaa ee maalintii shalay ka dhacay duleedka degmada Moqokori ee gobalka Hiiraan.
Khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa ciidamada Dowladda Fedaraalka lagu gaarsiiyay dagaalladaas, kaas oo kor udhaafaya 130 askari.
Tirada dhimashada ee dagaalladii shalay ayaa waxa ay gaartay 47 askari, halka dhaawacuna uu marayo 86 kale.
Geesta kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay maanta qarax la beegsadeen, askar katirsan Xabashida Itoobiya oo ku sugnaa magaalada Beydhabo ee xarunta gobalka Baay.
Qaraxa ayaa waxaa si gaar ah ciidanka Xabashida Itoobiya lagula beegsaday, garoonka diyaaradaha ee magaalada Beydhabo, waxaana qaraxaasi lagu dilay 3 askari oo katirsan Xabashida Itoobiya, halka lagu dhaawacay 4 kale.