Xamse Cabdi Barre oo ah Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Fedaraalka ayaa waxa uu shaaca ka qaaday, in amni darro iyo shaqo la’aan ay ka jirto goobaha ay ka maamulaan Soomaaliya.
Waxa uu tilmaamay in muddo ka badan 60 sano ay tahriib ku jiraan dhalinyarada Soomaaliyeed, isagoona ka hadlay sababta ka dambeysa arrintaas.
Xamse ayaa xusay in amni darra iyo shaqo la’aanta heysata dhalinyarada ay keentay iney tahriibaan islamarkaana ay badaha ku dhamaadaan, halka kuwa joogana ay ku fakarayaan iney iyaguna dalka isaga tagaan.
Amni darrada uu sheegayo Xamse Cabdi Barre ayaa waxaa ugu horreyso tan ay Dowladda Fedaraalka ku heyso dadka ku dhaqan goobaha ay ka taliso, iyadoo marar badan ay dhalinyaradu ka cawdeen dilal joogta ah oo ay kala kulmayaan ciidamada, waxaana intaasi dheer boobka iyo barakicinta ay Dowladda Fedaraalka ku heysto dadka rayidka ah.