Maalmihii lasoo dhaafay waxaa dalka Suudaan ka dillaacay cudur ay dadku ka qaadayaan biyaha, kaasoo sedaxdii maalin ee tagtay oo kaliya gallaaftay nolosha dad badan, halka tiro ku dhow kun ruuxna loo qaaday isbitaalka.
Maalintii Jimcaha ee shalay waxay dhaqaatiirtu sheegeen iney cudurkan udhinteen 24 ruux, halka 800 oo kale uu soo ritay kuwaasoo loo qaaday isbitaalka gobolka An-Niil Al-Abyadh ee dalka Suudaan.
Bayaan ay soo saartay Ha’adda lagu magacaabo Dhaqaatiirta ay Xuduuda lahayn, ayaa lagu sheegay in inta ugu badan dadkan ay cudurka ka qaadeen biyo ay kasoo dhaansadeen, wabi ku yaalla magaalada Kosti ee gobolka An-Niil Al-Abyadh, taasoo biyihii soo gaari jiray ay saameyn ku yeelatay, duqeyn ku dhacday xarunta korontada ee ku tiilay magaalada umu Dabakar oo qiyaastii fogaan dhan 275KM Koonfur kaga beegan caasimadda wadanka Suudaan.
Cudurkan ayaa lagu sheegay mid halis ah oo dadka leynaya, inkastoo aan faahfaahin laga bixin calaamadihiisa iyo sida ay noqonayaan marka uu dadka ku dhaco.